Xulafada Madaxweyne Ku xigeenka oo Madaxweynaha ku eedeyay musuqmaasuqa

Sharci dejiyaasha gobolka galbeedka dalka oo qayb ak ah kooxda Tangatanga ee madaxweyna ku xigeenka taageeran ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Kenyatta uusan waxba ka qaban falalka musuqmasuqa.
Benjamin Washiali Xildhibanka Bariga Mumias ,Didmus Barasa Xildhibanka Kimilili, Malulu Injendi Xildhibanka Malava, Dan Wanyama Xildhibanka galbeedka Webuye iyo Mwambu Mabongah Xildhibanka Bumula ayaa sheegeen in Mr Kenyatta uu ka tagaayo sawir xun marka uu muddo xileedkiisu dhamaado.
Xildhibanada ayaa sheegay in Afartiisa agendha ee uu Madaxweynaha sheegay inuu diirada saarayo sanadkii 2017-ka aysan suura gal ahayn.
Sharci dejiyaashan ayaa shalay isugu imaaday guriga Mr.Baraza si ay taageero ugu raadiyaan madaxweyna ku xigeenka William Ruto oo u hanqal taagayo xilka madaxtinimada doorashada sannadka 2022-ka.
Iyada oo falal musuqmaasuq ah la soo tabiyay isla markanaa caqabad ku ah maamulka madaxweyne Kenyatta, ayaa madaxweynuhu waxa uu sheegay inuusan marnaba ka leexaneenin inuu cirib tiro musuqmaasuqa.
Kenyatta ayaa u sheegay saraakiisha dowladda inay isku tashadaan hadii ay ku takri-falaan khayraadka dadweynaha, Waaxda garsoorka ayuu ugu yeeray inay gacanta ku dhigaan saraakiisha sar sare ee wax musuqmaasuqa.
Mr Washiali, ayuu waxa uu dib u milicsaday diiwaangelintii barnaamijkii Huduma Number,wuxuuna u sheegay madaxweynaha inaan la halmaamin.
Madaxweynaha marka uu xafiiska ka tago, waa inuu sheega halka uu u dambeeyay, ama 8-bilyan ee diiwangelinta ku baxday waxay noqoneysa musuqmaasuq kii ugu darnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here