DHAGEYSO:Xulka qaran ee dalka oo xalay ka badiyay Xulka Tanzania

Xulka Qaran ee dalka Harambee Stars ayaa xala labo gool uu dhaliyay Michael Olunga ayaa labo jeer soo kabsasho sameysay iyadoo deriskooda Bariga Afrika ee Tanzania ku garaacay 3-2, waana guushii labaad ee ay abid ka gaaraan Koobka Qaramada Afrika.
Simon Msuva iyo Mbwana Samatta ayaa Tanzania hogaanka u dhiibay laakiin Olunga iyo Johanna Omolo ayaa u bareejeyay xulka Harambee Stars ka hor inta uusan Olunga dhalinin goolka guusha ciyaarta oo sagaal daqiiqo ay ka harsan tahay.
HaRAMBEE Stars waxa goolka koowaad ku dhaliyay Michael Olunga

 

Kenya oo kaliya hal jeer soo badisay 15kii kulan hore ee ay soo ciyaareen Koobka Qaramada Afrika ayaa haatan leh seddex dhibcood labo kulan oo ay ciyaareen Group C waxaana ay ku dhibco yihiin xulka Senegal. Tanzania weli wax dhibic ah ma aysan helin.
Kulankii hore ayaa Kenya waxa ka dabiyay xulka qaran ee dalka Algeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here