Xuska maalinka Jamhuri Day oo la qabanayo

Waxaa maanta garoonka cayaaraha ee Nyayo National Stadium ee magaaladatani Nairobi lagu qabanayaa xuska loogu dabbaal degayo maalinka qaran ee Jamhuri Day ee sannadkan.
Dabbaal deggan ayaa sannad kasta dalka ka dhaco taariikhda marka ay ku beegan tahay 12-ka bisha 12-aad ee Diseembar.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu Kenyaanka ku hoggaamiyo xuska 56-aad ee Jamhuri Day.
Munaasabaddan qaran ayaa lagu maamuusaa 12-kii Diseembar ee sannadkii 1963-dii xilligaasi oo Kenya ay fursad u heshay maamul gudaha ah kaddib sannado badan oo ingiriiska uu guumeysanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here