Xuska maalinka Madaraka Day ee sannadkan oo lagu qabanayo Narok

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Mrs. Kanze Dena ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in maalinta sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 1-da bisha lixaad , ismaamulka Narok lagu qaban doono dabaaldeg qaran oo ku aaddan xuska Madaraka Day.
Xuskan ayaa sannad kasta la sameeyaa waxaana la maamuusaa 1-dii bishii lixaad ee sannadkii 1963-dii xilligaasi oo Kenya ay madax bannaani ka qaadatay guumaystihii ingiriiska.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa Kenyaanka ku hoggaamin doono xuska maalinkaasi oo ka dhici doono fagaaraha Narok Stadium waana markii 56-aad ee la qabanayo.
Sannadkii hore dabaaldegga Madaraka Day ayaa ka dhacay fagaaraha Kinoru Stadium ee ismaamulka Meru.
Sido kale Mrs. Dena ayaa sheegtay in hoggaamiyaha dalka uu toddobaadka soo socdo safar rasmi ah ku tagi doono magaalada Vancouver ee dalka Canada.
Waxaa uu halkaasi uga qeyb galaya shir weyne caalami ah oo ku saabsan arrimaha haweenka kaddib markii uu casuumaad ka helay ra’iisul wasaare Justin Trudeau.
Madaxweynaha ayaa la filaayaa inuu ka faldhiyada shirkaasi oo soconayo saddex maalmood hadalo ka jeediyo .
Kulanka uu Mr. Kenyatta ka qeyb galaya ayaa sido kale lagu casuumay in ka badan 6000 oo wufuud heer sare ah.
Madaxda halkaasi isugu tagaya ayaa xal u raadinaya caqabadaha la xariira sinnaan la’aanta jinsiyadeed iyo horumarinta gabdhaha.
Qoraal madaxtooyada dalka waxaa lagu xusay in madaxweynaha inta uu Canada ku sugan yahay uu wada hadalo laba geesood ah la qaadan doono ra’iisul wasaare Trudeau.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here