Xuutiyiinta Yaman oo beeniyey inay gantaal ku tureen magaalada barakaysan ee Makkah.

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa beenisay war ay maanta baahisay warbaahinta Sacuudiga, oo ahaa inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah.
Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, oo Imaaraadka uu ka mid yahay, ayaa muddo afar snao ah dalka Yemen kula dagaalamaya Xuutiyiinta.
Taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga uu leeyahay, oo soo xiganaya goobjoogeyaal, ayaa maanta sheegay in ciidamada difaaca Sacuudiga ay hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah ka qabteen laba gantaal oo nooca ballistic ah.
Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku socday magaalada Makkah, sida lagu sheegay warbixinta taleefishinka, oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here