Xuutiyiinta Yemen oo sheegaya inay gantaal ku tureen Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanto gudaha dalka Yemen ayaa sheegaya inay gantaalo ku direen sido kalena diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku duqeyeen xarun shidaal oo ku taalo magaalada Koonfureed ee Sacuudi Carabiya ee Jizan.
Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay inay howlgalladan xalay sameyeen.
Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee dagaalka kula jiro xuutiyiinta ayaa horay u sheegay inuu qabtay oo uu burburiyay afar gantaal iyo 6 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay adeegsatay kooxda.
Dagaallada u dhaxeeya isbeheysiga miltari ee taageerada dowladda Yemen iyo kooxda ka soo horjeeda ee xuutiyiinta ayaa sanado jiray waxaana iskudhacyada ku dhintay in ka badan 100,000 oo qof halka ay ka dhalatay xaalad baniaadanimo oo qaramada midoobay ay ku tilmaantay midii ugu weynayd ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here