Yaasiin Juma oo sheegay inuu doonayo inuu dalka dib ugu soo laabto

Yaasiin Juma oo ah wariye u dhashay Kenya oo in muddo ah ku xirnaa dalka Itoobiya ka hor inta aan la soo dayn ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dalkiisa hooyo dib ugu soo laabto.
Waxaa uu dhanka kale waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu doorbiday inuu iska sii joogo Itoobiya.
Mr. Juma ayaa xusay in wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ay soo saartay sharci ka hor istaagaya inuu durba u soo safro Kenya maadaama horay looga helay cudurka COVID19, muddo kaddibna laga waayay.
Wariyahan oo loo haystay inuu la shaqeynayay mid ka mid ah xubnaha mucaaradka ee Itoobiya ayaa xabsi ku yaalla Addis Ababa ku jiray ugu yaraan 47 cisho.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa horay u sheegtay in Mr. Juma u xor u yahay inuu Kenya ku soo laabto balse uu jecleystay inuu saaxiibadiisa la sii joogo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here