Yemen oo laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus

A Yemeni volunteer sprays disinfectant on the hands of kids in the one of Sanaa's impoverished neighbourhoods, on March 30, 2020, amid concerns of a coronavirus outbreak. (Photo by MOHAMMED HUWAIS / AFP) (Photo by MOHAMMED HUWAIS/AFP via Getty Images)

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa sheegaya in halkaas laga diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Coronavirus.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddiga sare ee gurmadka qaran ee wadankaas.
Kiiskan ayaa laga soo tabiyay gobolka ‬Hadhramaut sida guddigu uu ku sheegay barta twittarka.
Qoraalka waxaa ku xusan in bukaanka aynan xaaladiisa caafimaad aad u liidan si wanaagsanna loola tacaalaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay iyo qaar ka mid ah wadamada galbeedka ay horay uga digeen in coronavirus uu u gudbi karo wadanka Yemen oo ay dagaallo ragaadiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here