Zimbabwe oo kordhisay mudada xayiraadda

Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa kordhiyay mudada ay sii jirayso xayiraadda qaran ee dhanka isku socodka ah ee lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa coronavirus.
Hasa ahaate amarrada dowladda wadankaas ayaa la filayaa in labadii toddobaadba dib u eegis lagu sameeyo .
Mr. Mnangagwa oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in xayiraadda ay sii shaqeynayso ilaa waqti aan la cayimin.
Sidoo kale waxaa xirnaanaya suuqyada aan rasmiga ahayn ee malaayiin qof ay qutul maalmeedkooda ka soo saartaan.
Waxaa dhanka kale furnaanaya ganacsiyada sida warshadaha , bangiyada iyo subamaakeetyada .
Xarumahan oo horay loogu ogolaaday inay shaqeyaan 6 saacadood ayaa hadda furnaanaya in ka badan 8 saacadood inta u dhaxaysa 8-da subaxnimo ilaa 4-ta iyo barka galabnimo.
Madaxweyne Mnangagwa ayaa sheegay in boqolaal wadankaas u dhashay oo toddobaa kasta ka soo laabta wadamada Koonfur Afrika iyo Botswana inay marayaan 21 cisho oo karantiil ah.
Dalka Zimbabwe ayaa xayiraad lagu soo rogay 30-kii bishii saddexaad ee sannadkan ilaa iyo hadda waxaa laga diiwaangeliyay 44 ah kiisaska coronavirus halka cudurka covid-19 ay ugu dhinteen 4 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here